Muqdisho,AGGM: Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliya Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu sheegay in ay dhamaatay sharcigii ay ku dhisnaayeen ama ay ku shaqeynayeen Golaha Adeega Garsoorka Dalka Somaliya.
Waxa uu sheegay Axmed Cali Daahir in la bur buriyey Hogaanka Maxkamadaha Dalka taasi ayuuna ku sheegay in sharciga ay hore Baarlamaanka umeel mariyeen ee dhismaha Golaha Adeega Garsoorka dalka la rabo in lagu shaqeeyo oo miiska hoostiisa lagelin hindise sharciyeedka la meel mariyey.
Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Golihii hore ee Adeega Garsoorka wakhtiga uu ka dhamaaday midka dhawaan lasoo dhisayna ay muhiim tahay in lala shaqeeyo isagoo fariin udiray Wasaarada Cadaalada iyo Hogaanka Maxkamadaha Dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com