War kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay duullaan ku yihiin goobaha ay Maleeshiyada kaga sugan tahay Gobolka Galgaduud.
Warka ayaa waxaa sidoo kale, lagu sheegay in Ciidamadu ay si isku mid ah duullaankooda ula beegsan doonaan ilaa iyo laba goobood oo ay Maleeshiyadu kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale, Cabdi Cabdule Maxamuud oo kamid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay faarujiyaan goobaha ay Maleeshiyadu ku dhuumaaleysaneyso, waxa uuna kadigay in hooy la siiyo Dagaalyahaanada Maleeshiyada ee ku sugan gudaha Gobolka Galgaduud.
Wuxuu sheegay in hada qorshaha uu yahay in loo dhaqaaqo dhanka Galhareeri oo ay ku sugan yihiin Shabaab, ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliyana ay u diyaarsan yihiin arimahaasi.
Dhanka kale, Maleeshiyada Alshabaab ee Gobolka Galgaduud ku sugan ayaa weeraro culus ku qaada ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Gobolka Galgaduud.
Hanjabaada ayaa kusoo beegmeysa xili maalinimadii shalay Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Degmada Wabxo oo Gobolkaasi, waxaana saakay halkaasi ka socda Barakac xoogan, iyadoona la arkaayo gaadiid farabadan oo ay ku barakacayaan dadka halkaasi ku sugan.