Top News: Danjire Nicholas Key Oo Cambaareeyey Qaraxii Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM:Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicklos Kay ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii xalay lala eegtay maqaayada Panorama eek u taala barxada iskaashatooyinka ee degmada Xamar weyne oo dad badan oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska danjire Nicklos Kay ayaa waxaa lagu sheegay in xafiiskiisu uu si kulul u cambaaraynayo qaraxa gaariga lagu soo xiray ee la dhigay maqaayadda waxaana dadka qaraxaasi ku waxyeeloobay oo wada rayid ahaa ku jiray caruur yar yar oo kasoo baxay goob waxbarasho oo goobta ku taala.

“Aad ayaan u cambaaraynayaa qaraxaas fulaynimada ah ee argagaxisidu ku qaadeen maqaayadda ay dadka rayidka ah fadhiyeen cidii gaysatayna waa dambiilayaal u baahan in cadaalada la horgeeyo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Danjire Kay waxaa uu xusay inuu xanuunka la wadaagayo ehelada iyo saaxibada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xalay.

Falaagada Al-Shabab oo sheegtay mas’uuliyadii qaraxii xalay waxaa ay ku sheegteen inay ku dileen saraakiil ay ku sheegeen inay hay’adda nabada sugida ka tirsanaayeen.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com