Top News:Midowga Afrika Oo Soo Dhoweeyay Heshiiska Dowladda FS iyo Maamu Goboleedka Puntland.

0

Muqdisho, AGGM: Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Talaadadii shalay magaalada Garoowe ay ku kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maman Sidikou ayaa heshiiska wax-ku-oolka ah ee ay gaareen labada dhinac ku tilmaamay mid u saamaxaya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan horumarinta ammaanka, dib u soo celinta xiriirka, dib u eegidda iyo dhaqan-gelinta dastuurka KMG ah ee federaalka iyo qabashada doorasho dimuqraaddi ah marka la gaaro sanadka 2016.

Danjire Maman ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu aasaas u noqon karo xallinta khilaafaadyada ka jira gobollada kale ee dalka, si dadaallada oo dhan la isugu geeyo sidii nabad iyo barwaaqo ay u heli lahaayeen dadweynaha Soomaalida.

Heshiiska waxaa saxiixay raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com