Mandheera,AGGM: Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahiyay in gudoomiyaha magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya Cali Roba uu ka bad baaday qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbinayay asagoo dhex maraya magaalada Mandheera.
Warbaahinta Capital News oo soo xiganaysa saraakiil dhanka amaanka ah ayaa sheegaysa in miino dhulka lagu aasay la qarxiyay xilli ay wadada marayeen gaadiidka gudoomiyaha hase ahaatee gudoomiyuhu uu ka bad baaday qaraxaas oo khasaare gaystay.
Haweeney afhayeen ah oo u hadashay booliska Kenya oo magaceeda la yiraahdo Gatiria Mboroki ayaa u sheettay idaacadda Capital Fm in gudoomiyuhu uu bad qabo waxaana ay intaa ku dartay in mid ka mid ah illaalada gudoomiyaha uu ku dhaawacmay qaraxaas.
Haweeneydaan waxay sheegtay inay hadda baarayaan cidda ka dambeysa qaraxaas isla markaana ay jiraan dad ay u qabteen oo ay su’aalo weydiinayaan.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas inkastoo warbaahinta Al-Shabab lagu qoray warar la xariira weerarkaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com