TOP NEWS:- Mareykanka oo la wareegay Garoonka Diyaaradaha Bali-Doogle

0

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Hagenews Xafiiskeeda Muqdisho ayaa sheegaya in si toos ah Dowladda Dalka Mareykanka ay ula wareegeen Garoonka Diyaaradaha Balidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Garoonka Balidoogle ayaa Mareykanka waxaa uu ka dhistay Dhismooyin aad u qurxoon,waxaana u dagan Ciidamo badan oo aan wali lahelin Qiyaastooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dadka Caadigaa iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidanka DFS aan loo ogoleyn in ay tagaan Garoonka Balidoogle.

Waxaa intaa sii dheer in aan Taleefoonkaad iyo Qalabka wax lagu duubo uusan kuu shaqeynaan markii aad Balidoogla tagtit.

Saraakiisha Xogtaan aan ka helnay ayaa sheegay in markii 5KM Garoonka aad u soo jirto uu Taleefoonkaada iyo hadii aad qalab kale wadatit ay Hawada ka baxayaan oo ay noqonayaan adiga oo Ul wata ama sita Shay aan shaqeyneeyn.

Arrintaas ayaa lagu sheegay Qalab Mareykanka uu keensaday kaas oo uu doonayo in aan la ogaan oo aan Xog laga helin Arrimaha uu Balidoogle ka wado.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa jooga Ciidamo badan oo aan aheyn kuwa AMISOM ee Sharciga ku jooga dalka,waxaana ka mid ah Dowladdaha ay Ciidamadu u joogaan ,Mareykanka,Faransiiska,Talyaaniga,swend iyo Tukiga.