Goobaha lagu soo abaabulo qaraxyada Muqdisho oo la ogaaday (Xog cusub)

0

Taliska Booliska Magaalada Muqdisho, ayaa laga soo xigtay in baaritaano dheer kadib ay Dowladu ogaatay goobaha laga soo abaabulo weerarada Ismiidaaminta ah ee laga fuliyo Magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa sheegay in Weerarada iyo Qaraxyada ay geysanayaan Maleeshiyada Alshabaab laga soo maleego garaashyada ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo xarunta weyn Alshabaab ay ka sameysteen Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Waxaa la tilmaamay in Gaadiidka fuliya weerarada ismiidaaminta ah miinooyinka looga soo xiro garaashyada, iyadoona inta badan isla garaashka ay Maleeshiyadu ka dhex iibsadaan gaadiidka macmalka ah oo ay ku fuliyaan weerarada.

DF Soomaaliya ayaa iminka kusoo baraarugtay in Maleeshiyada Alshabaab ay garab buuxa ka helaan dad ku sugan Degmada Heliwaa kuwaasi oo fakir ahaan aaminsan mabda’a Maleeshiyada xagjirka ah ee Alshabaab.

Dhanka kale, Dowlada ayaa wado qorsho lagu xakameynaayo Garaashyada, goobaha ay ku qaxweeyan bulshada iyo meelaha ay u badan yihiin Maleeshiyada.