Muqdisho, AGGM: Maamulka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Dhaawacyo Xalay la soo gaarsiiyay,kuwaas oo ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Wadada Maka Al-mukaramma ee Magaalada Muqdisho.
Isbitaalka Madiina ayaa la gaarsiiyay in kabadan 20 Ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan,waxaana hada ugu daran 13 kamid ah oo Qaarkood uu gubtay Jirkooda sida uu sheegay Dr.Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka Madiino.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Adeeg Caafimaad u qabteen 18 Ruux oo ka mid ahaa Dhaawacyadii Qaraxa Xalay ka dhacay Maka Al-mukaramma,kuwaas oo Isbitaalka laga saaray.
Saameeynta Qaraxii Xalay ayaa waxaa kamid ah Waalidiin maanta lagu arkayay Isbitaalka Madiina,iyagoo baadigoobaya Caruurtoodii oo Nolol iyo Geeri ay la yihiin.
Nimco Xuseen Maxamed waaa Hooyo kamida ah Haweenka Shaaha iibiya waxaana ay u sheegtay in Wiil ay dhashay ay la dahay Nolol iyo Dhimasho intaba.
Dhanka kale Waxaa ka soo hagaageeysa Xaalada Caafimaad ee Agaasimaha TV-ga Somalia Channel Xafiiska Muqdisho C/risaaq Jaamac Cilmi Black oo Shalay Muqdisho lagu dhaawaca
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com