Lixdan Saraakiil Al-Shabaab Katirsan oo Jubbada Hoose Lagu Dilay & Kenya oo..

0

War kasoo baxay taliska ciidamada dalka Kenya eek u sugan Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay dagaakl shalay galinkii dambe ka dhacay degaanka Buulo Gaduud oo ka tirsan gobolka Jubbadda Hoose inay ku dileen illaa iyo 60 dagaalame oo ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab taasoo ka dhigan in Kenya muddo ka yar Todobaad ay sheganayso inay Al-Shabab ka dishay ku dhawaad 100 dagaale.

Col David Obonyo oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta dalkiisa in howgal ay shalay galinii dambe ciidamadooda ka sameeyeen degaanka Buulo gaduud inay ku dileen 60 dagaalame ayna ka qabsadeen 5 gaari oo nooca dagaalka ah sida uu yiri afhayeenkaas u hadlay ciidamada Kenya.

David Obonyo waxaa uu sidoo kale sheegay inay ka qabsadeen saanad ciidan sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray inay dagaalamaal Al-Shabab ka tirsan oo ayagoo dhaawac ah ka baxsaday.

“Dagaalamayaasha Al-Shabab oo is urursi ku jira si ay iskaga keena difaacaan ayaanu weerar ku qaadnay waxaan idiin xaqiijinayaa inaan tirinay meydadka 60 dagaalame iyo 5 gaari oo ay wateen” waxaa sidaas yiri David Obonyo oo ka mid ah afhayeenada ciidamada Kenya u hadla

Muddo todobaad ka yar dawlada Kenya waxay sheegatay inay Al-Shabab 100 dagaalame ka dileen hub aan yareyna ka furteen.

Al-Shabab willi kama aysan hadlin sheegashadaan dambe ee ciidamada Kenya kasoo baxay,