Ra’iisul Wasaraha Somaliya Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa sheegay ilaa iyo hadda dowladda inay isku soo dhiibeen in ka badan 600 oo Shabaab ka tirsanaa kuwaasoo ka faa’iidaystay cafiiskii horay loogu fidiyay.
Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM guulo waaweyn ay ka gaareen howlgalada dalka ka socda, taasina ay keentay in Shabaab badan ay Dowladda isku soo dhiibaan.
C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa dhanka kale sheegay in ammaanka Muqdisho uu hada soo hagaagayo, balse markii hore Dowladda Soomaaliya dhibaato weyn ay ka heysatay sugidda ammaanka caasimada dalka.
“Waxaad la socotiin inaan dhib weyn ku qabnay sugidda ammaanka caasimada, ilaaheeybaa mahad leh hada waad la socotiin in ammaankii uu soo fiicnaaday oo ciidamada ay ku dadaaleen”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Howlgalka Badweynta Hindiya ayaa xoreeyay magaalooyin muhiim ah oo horay gacanta Al-Shabab ugu jiray, kuwasoo hadda loo wado qorshe mamulo loogu samaynayo.
Hadalkan ayuu Cabdiwali Shiikh ka sheekay kulan lagu soo dhawaynayay oo shalay ka dhacay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Garowe.