R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Maanta Gaaraya Magaalada Garoowe.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa waxay sheegayaan in maanta lagu wado magaaladaasi inay gaaraan Wafdi uu horkacayo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Wariye kusugan Magaalada Garoowe ayaa usheegay AGGM in la dareemayo Qaban qaabo ballaaran oo lagu doonayo in lagu soo dhaweeyo Xubnaha uu horkacayo Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Soomaaliya.

Si gaar ah Xaflad lagu soo dhaweynayo Wafdigaan ayaa waxay ka socotaa Xarunta Madaxtooyada Puntland waxana Ujeedka R/wasaaraha utageyo Garoowe aan lasheegin waxa uu kusaabsan yahay.

Warar hordhac ah aan helayno waxay sheegayaan in Cabdiweli Sheekh Axmed uu halkaasi u tegayo sidii uu usoo dhameyn lahaa Xurgufta Siyaasadeed ee Puntland kala dhaxeeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com