Muqdisho,AGGM: Xilli Howlgalka Badweynta Hindiya uu ka socdo qeybo katirsan Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa waxa arintaasi ka hadlay falaagada Al Shabaab ee duulaankaasi iyaga lagula dagaalamayo.
Horjooge C/qaadir Cali Muumin oo ka mid ah Horjoogeyaasha falaagada Al Shabaab uqaabilsan dhinaca dacwada ayaa waxa uu sheegay inay Duulaanka ka socda Caalamka sida Ciraaq,Siiriya iyo Somaliya ay ka dambeeyaan Dawlada Mareykanka.
Khudbad laga soo duubay C/qaadir Cali Muumin oo kusugan Howdka Buuraha Gal gala ayaa waxa lagu baahiyey Warbaahinta Al Shabaab waxaana uu si kulul usheegay in Dawlada Mareykanka ay qeyb ka tahay dagaalada ka socda Dalalka Somaliya,Ciraaq iyo Siiriya.
Falaagada Al Shabaab ayaa waxay saraakiishooda ku baaqayaan inay dagaalka sii wadaan si buu yiri ay udifaacdaan deegaanada weli kaga sugan yihiin Gobollada Dalka Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com