Baraawe, AGGM: Iyadoo Saaka Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Huwanta ah iyo Al-shabaab uu ka dhacay Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Kontoroolka Magaalada laga soo galo ayaa Taliska Ciidamada Milatariga Soomaaliya uu dagaalkaasi ku sheegay mid been abuur ah oo aan jirin.
Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Guuto Maxamuud Maxamed Xasan Qaafoow ayaa sheegay in uusan jirin wax Dagaal ah oo ka dhacay Degmada Baraawe oo Al-shabaab iyo Ciidamada Wada jira u dhaxeeya.
Sareeye Guuto Maxamuud Maxamed Xasan Qaafoow ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay kuwajahan yihiin Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha Hoose islamarkaana aysan jirin in ka hor istaagi karta.
Dhanka kale Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa Gaaray degmada Baraawe,waxaana lagu wadaa in uu maanta kulamo la yeesho Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida iyo waliba Dadka Magaalada Baraawe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com