Shacabka ku dhaqan magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa cambaareeyay qorshe ciidamada dowlada Kenya ay ku xireen goob lagu barto diinta islaamka oo ku taalay magaaladaasi, taasi oo la sheegay in Alshabaab looga qoro dhalinyarada.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ficilka dowlada sameysay uu yahay mid lagu xaqirayo xoriyada waxbarashada dhalinyarada baraneysa diinta islaamka, waxayna ka dalbadeen booliska inay goobta sii daayaan.
“Haddii dowlada cadeyn u heyso in dhalinyarada loogu qoro Alshabaab loona gudbiyo Soomaaliya, waa inay xernaa oo maxkamad ay soo saartaa, laakiin ma ahan in malcaamad dhan la xiraa” sidaasi waxaa tiri Ms Betty Sharon oo kamid ah golaha fulinta horumarka haweenka xeebaha Kenya.
Waxay sidoo kale sheegay in ay ku qaldan tahay ku tumashada xuquuqda sharciga iyo muwaadiniinta ku sugan Kenya, iyagoo ay jiraan dad yar oo dhibaato ka wada Kenya, siday sheegtay.
Mar sii horeysay agaasimaha hayada dambi baariska CID-da Kenya Ndegwa Muhoro ayaa amray in malcaamadaasi la xero sababo dhanka amaanka ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay inay xeri doonaan masaajida haddii lagu arkaa falal xiriira dhanka Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay.