Muqdisho, AGGM: Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka hiigsiga cusub ee Soomaaliya oo looga hadli doono arrimo dowr ah.
Shirkan oo socon doono muddo saddex maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa qorshaha ay hiigsaneyso dowladda sanadka 2016-ka, dib u eegista dastuurka dalka, cadaaladda, siyaasadda amniga iyo kaabayasha dhaqaalaha, waxaana ka qeyb galay wakiilo ka kala socday Maamul goboleedyada dalka, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolada dalka, qeybaha bulshada, wakiilo ka socday Beesha caalamka iyo xubno kale.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka socday Maamulada dalka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, oo tilmaamay in shirka uu ka soo bixi doono talaabo horumar leh.
Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in barnaamijkan ay dowladdu saxiixday markii ay ka soo kabatay bur burkii dalka, bulshaduna ay fahmi doonto muhiimadda hiigsiga cusub ee Soomaaliya u leeyahay.
“Soomaali iyadoo ka duuleyso inay dib u hanato howlihii adeega ummadda waxa ay saxiixday nidaamkan ah hiigsiga cusub oo loogu talagalay dowladaha sideena oo kale u bur bursan in dib u dhis iyo dib u kabasho loogu sameeyo, tani waa fursad in dadka ay quseyso arrintan ay maanta shirka goob joog ka yihiin” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka sheekeeyay muhiimadda hiigsiga cusub uu u leeyahay Soomaaliya.
“Sida aad la socotaan waxaan galnay heshiis qeexaya New Deal, oo ah hiigsiga cusub, kaasi oo wax badan u taraya bulshada Soomaaliyeed, madaadii’da hiigsiga cusub uu ka shaqeynayo wax uu yahay waxa adduunyada nasiiso in ay noqdaan wax ay dowladdu ogtahay, anaguna aan ku wada maamulno hal miis sidaan oo kale” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo furay shirka ayaa sheegay in dowladdu ay wax badan u qabsoomeen, ayna jiraan waxyaabo u baahan in la dhameystiro.
Mudane Ridwaan Xirsi ayaa yiri “2012-ka Muqdisho ayuu ka dhacay, tilmaam fiican ayay noo tahay, kalsooni badan ayaan ku qabnaa in aan gaarno waxa aan hiigsaneyno, idinkuna waxaan idinka rajeynayaa in shirkan aad ka soo saari doonaan talooyin wax ku ool ah”.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com