Sawirro:Shirkii Garbahaareey oo meel xasaasi ah maraya iyo Abwaan Abdi Shire Jamac oo afhayeenka shirka loo doortay.

0

Garbahaarey, AGGM: Magaalada Garbahaareey ee caasimada u ah gobolka Gedo ayaa waxaa maanta ka dhacay shir hordhac ah oo ay yeesheen gudiyadii dhawaan magaaladaasi soo gaaray ee u socday shirka Midnimo-1 kaasi oo looga tashanayo xaaladaha guud ee Gedo iyo Jubbooyinka.

Shirka oo si rasmi ah u furmay 20 bishan ayaa waxaa uu baryahan ku socday si wadatashi ah waxaana markii ugu horeysay shirkii maanta dhacay lagu doortay afhayeenka guud ee shirka Midnimo1 oo loo doortay Abwaanka weyn ee Dr, Abdi Shire Jamac “Ciyaar Jecel”kaasi oo caan ku ah nabadeynta iyo u jiheynta shacabka Soomaaliyeed inay dowlad dhistaan.

Afhayeen Dr, Abdi Shire Jaamac oo kadib markii loo magacaabay afhayeenka shirka Garbahaareey la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inuu geedkasta iyo goobkasta u tagayo xalka Soomaalida, sidaasi darteedna uu shirka Garbahaareey maanta loogu doortay inuu noqdo afhayeenkiisa.

Dhinaca kale waxaa shirkan lagu magacaabay guddiyadii kala duwanaa ee ka shaqeyn lahaa shirka iyo waxa looga hadlayo, iyaddoona dhinaca kale maalinta axada ah ee soo socota uu shirka qeybihii ugu ballaarnaa guda geli doono, kadib marka ay halkaasi soo gaaraan xubno kale oo la sugayo inay kusoo biiraan.

Shirka Garbahaareey ayaa waxaa ka hor yimid maamulka Ahmed Madoobe kuwaasi oo iyagana shir kale oo iminka iska dhamaaday isaga oo aan wax natiijo ah kasoo bixin ku lahaa Kismaayo. Waxaana u hadlay maamulka Axmed Madoobe labada nin ee kala ah Fartaag iyo Abdirashiid Janan kuwaasi oo shirkaasi diiday.

Balse dhamaan shacabka Gedo deggan ayaa isku raacay shirka Garbahaareey inuu yahay mid dan u ah shacabka gobolkaasi deggan iyo xitaa nabad laga helo Kismaayo. Waxaana Sidoo kale shirkaasi taageero u muujisay dowlada Soomaaliya oo bilowday inay warbaahinteeda tabiyaan wararka shirka Garbahaareey.

Wararka ugu danbeeya shirkaasi MIDNIMO 1 kala soco warbaahinta Kismaayo24.com oo ay wariyayaasheeda ku sugan yihiin goobta uu shirka ka dhacayo.

Garbo7 Garbo6 Garbo5 Garbo4 Garbo3 Garbo2 Garbo1 Garbo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com