Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Galguduud…

0

Dhuusamareeb, AGGM: Shalay Dagaal Culus ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Ceel garas ee Gobolka G/gaduud waxaana uu dhexmaray Ciidanka Dawlada oo Ciidanka AMISOM kaabayeen iyo Ciidanka Ururka Al Shabaab.

Wakiilka ugu magacaaban Gobolka Gobolka Galguduud Al Shabaab Xasan Yacquub Cali ayaa wareysi uu siiyey Raadiyaha Al Shabaab leeyihiin waxa uu faah faahin kaga bixiyey dagaalka iyo inta ay xog ahaan hayaan.

Waxa uu Xasan Yacquub sheegay in shalay abaare 9:30 subaxnimo ilaa 4:50 daqiiqo dagaalka uu socday waana 7 saacadood oo xiriir ah iyadoona uu ku faanay in khasaaro xoogan uu dagaalkaasi kasoo gaaray ciidankii ay la dagaalameen sida uu hadalka udhigay.

Al Shabaab Sargaalkaan uhadlay waxa uu sheegay in 7 Itoobiyaan ah oo saraakiil ay ku jiraan inay dagaalkaasi ku dileen sida uu hadalka udhigay isagoona sheegin khasaaraha dhankooda dagaalkii shalay Al Shabaab kasoo gaaray.

Xasan Yacquub waxa uu sheegay inay heystaan ciidan la dagaalami kara sida uu ku faanay Ciidan wata xitaa Gawaariga ay Taangiyada ku xiran yihiin.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com