Dhageyso+Sawirro:Wafdi Balaaran Oo Uu Hoggaaminayo Siyaasiga Maxamuud Sayid Aaden Oo Gaaray Degmada Garbahaarey.

0

Garbahaarey, AGGM:Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Wafdi uu hoggaaminayo Siyaasiga Maxamuud Sayid Aaden, kuwaas oo kasoo kicitimay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Garoonka Diyaaradaha ee degmada Garbahaarey ayaa waxaa kusoo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan, siyaasiyiin, iyo Saraakiisha Ciidamadda Xogga dalka iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM.

Maxamuud Sayid Aaden oo Saxaafadda kula hadlay garoonka Garbahaarey ayaa sheegay ujeedka uu Garbahaarey usoo gaaray inay tahay ka qeyb galka shirweynaha Midnimo One ee dhawaan ka furmi doonna magaalada, waxana uu rajo ka muujiyay qodobo la isku raacsan yahay oo hagi doona siyaasada gobolka in ay kasoo bixi doonaan shirka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Garbahaarey dadkeedii maanta nasoo dhaweeyaan, waxaan u nimid baaqiinii midnimo, waxaan u mahadcelinayaa dadkii soo agaasimay go-goshan midnimo One, dadka reer Gedo iyo bulshada kale waxaan ugu baaqayaa in ay midnimada ka shaqeeyaan” ayuu yiri Maxamuud Saydi Aaden oo dhinaca kale tilmaamay ahmiyad gaar ah in uu shirkani u leeyahay isaga.

Qaar kamid ah dadweynihii soo dhaweeyay iyo maamulka gobolka Gedo ayaa dhankooda ku ammaanay Maxamuud Sayid iyo Wafdiga uu hoggaaminayo kasoo qeyb galka shirweynaha ay ku tashadaan dadka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka.

20140926_120632

20140926_120553

20140926_120719

20140926_120842

 

20140926_120918

20140926_120927

20140926_120858

20140926_120142
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com