Dhageyso: Cabdi Baale “Col. Barre Hiiraale Shirka Kismaayo Waan Ku Soo Dhaweenaynaa,Haka Soo Qaybgalaan Leenahay”.

0

Kismaayo, AGGM: Gudoomiyaha Shirka Dib Uheshiisiinta Kismaayo Cabdi Baale Xuseen oo ka mid ah horjoogeyaasha Raaskambooni ayaa waxa uu fariin udiray Col. Barre Adan Shire (Barre Hiiraale).

Cabdi Baale waxa uu tibaaxay in Col. Barre Hiiraale ay weli ugu baaqayaan hadii uu rabo in Shirka Kismaayo kasoo qeyb geli karo kaasi oo ah Shir Nabadeed oo dadka Jubbooyinka ay iskugu yimaadene.

Mr Cabdi Baale Xuseen ayaa sheegay in Shirka hadda ka socda Kismaayo uu yahay mid daba socda Shirkii Sanadkii hore ka dhacay Muqdisho oo Wakiilkiisii Cabdi Shire uga qeyb galay.

Cabdi Baale ayaa ku cel celiyey in wakhti kasta ay albaabada ufurayaan Barre Hiiraale inuu ka qeyb galo shirka ka socda Magaalada Kismaayo,waxaan hadalkaan uu imaanayaa xilli Barre Hiiraale uu ka biyo diiday ka qeyb galka Shirkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com