Dhageyso+Sawirro: Barre Hiiraale Oo Ugu Baaqay Dowladda Inay Ilaaliso Shirkii Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka

0

Muqdisho, AGGM: Gudoomiyaha Golaha Nabadda Iyo Horumarinta Jubba Col. Barre Aadan Shire (Bare Hiiraale) ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ilaaliso shirka dib uheshiisiinta ee lagu balamay in lagu qabanayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Col. Barre Hiiraale, ayaa sheegay in Wasiirada loo xilsaaray arimaha shirarka Jubbooyinka looga fadhiyo inay il gaar ah ku eegaan xaaladaha shirkaasi, maadaama Barre uu sheegay in waqtigii lagu balamay waqti aan aheyn la qabanayo shirka.
Barre Hiiraale, ayaa ka digay qalaasihii iyo dhibaatadii ay soo mareen shacabka reer Kismaayo.
16-Bishan oo ku beegan maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo uu ka dhaco shirka Dib uheshiisiinra beelaha Jubbooyinka, inkastoo Barre Hiiraale uu shegay in balanta shirka ay aheyd 1-Bisha Oktoobar ee soo socota, balse Axmed Madoobe maamulkiisa iyo IGAD ay kasoo hormarinayaan markii lagu balamay shirka in la qabto.
IMG_9374 IMG_9374_1 Bare Hiiraale IMG_9372
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com