Top News:IGAD Oo Dowladdaha Caalamka Ugu Baaqday In Soomaaliya Laga Caawiyo Wax Ka Qabashada Abaarta.

0

Urur goboleedka IGAD ayaa ku ammaanay  dowladda  federaalka ah ee Soomaaliya dadaalka ay wax uga qabanayso  dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha ee ka jira qeybo ka tirsan dalkeeda.

IGAD ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadisey go’aanka ay guddiga gaarka ah ugu xilsaartay wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dadka ay saamaysay abaarta

War Saxaafadeed uu khamiistii soo saartay urur-goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaale gaaraya Nus-malyuun Doollar u qoondaysay wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha, taasina ay muujinayso dadaalka ay ku badbaadinayso ummaddeeda.

Urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay ka soo jawaabaan codsigii dowlada Soomaaliya ee ahaa in lagu taageero cunto, biyo, dawo iyo farsamo, si gargaar deg-deg ah loo gaarsiiyo deegaannada ay ka jirto abaarta, ka hor inta aysan xaaladdu ka bixin faraha.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhaqaale u qorshaysay wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka, si looga hortago in ay dhacaan dhibaatooyinkii ka dhashay abaartii Soomaaliya ku dhufatay sannadku markuu ahaa 2011-kii.

Dowladda  ayaa horay u sheegtay in deegaanno ka tirsan gobollada Gedo, Bakool, Galgaduud iyo Mudug ay ka jirto baahida abaareed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com