Daawo: Xukuumada Soomaaliya oo iclaamisay shirweyne looga hadlayo dhaqanka Soomaalida

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka. Amniga guud, iyo qodobo kale oo kamid yahay dowladda Soomaaliya oo dib-u-habayn ku samaynaysa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Shirka ayaa looga dooday sharci la xiriira tayaynta iyo dib-u-habaynta shaqaalaha dowladda iyo in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada kasoo baxaysa Jaamacadaha dalka ee shaqo la’aantu haysato, waxaana qorshahan soo bandhigay aqoonyahano Soomaaliyeed iyo qubaro ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Colaad Rooble oo Saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in golaha Wasiirradu ay warbixin ka dhagaysteen Wasiirrada Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga, waxana uu sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo kaddib markii la qaaday howlgallo lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanka iyo shacabka Soomaaliyeed oo laga sameeyay gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Ugu dambayntii, golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta uga dooday shirweyne ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed sidii kor loogu qaadi lahaa, waxaana goluhu u xil-saareen guddi ka kooban Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hidaha iyo Tacliinta sare in ay kasoo tallo bixiyaan qaabka ugu haboon ee shirweynahaasi u qabsoomi lahaa.

DAAWO