Muqdisho, AGGM:Af-hayeenka Guddiga Maamul u sameynta Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in todobaadkan soo socda Gudihiisa u si rasmi ah u furmayo Shirka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay marayan dhex dhexaadintii laga kala waday dadkii isku haayay hogaanka Maamul sax ah oo ka hirgela Gobolada Koofur Galbeed Soomalaiya waxa uuna rajo wanaagsan ka mujiyay qabsoomida shirkaasi.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay marti-gelisay maamulo kala duwan oo iska soo horjeeda,waxaana mudooyinkii ugu danbeeyay ka socday howlo lagu xalinayo khilaafaadkasi.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u tagay Baydhabo in xal loo helo is-fahan-waga ka jir maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com