Kismaayo, AGGM: Maleeshiyada Raaskambooni ee magaalada Kismaayo ayaa qabtay nin labo oo miino ku aasayay mid ka mid ah waddooyinka magaalada.
Cabdullaahi Cabdiraxmaan Nasri oo ka mid ah Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa warbaahinta u sheegay in labada nin lagu qabtay howlgal lagu xaqiijinayay ammaanka oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada.
Cabdullaahi ayaa sheegay in caddaaladda la hor geyn doono eedeysanayaasha oo uu sheegay inay xubno ka yihiin Ururka Al-Shabaab inkastoo wax war ah dhankooda ka soo bixin Al-shabaab oo ku aadan arintaan.
Isku soo wada duuboo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa mudooyinkii danbe waday howlgalo ay ku doonayeen inay ku sugaan amaanka guud ahaan magaalada,waxaana howlgaladaas badankood ay ku soo dhamaanayeen fashil.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com