Muqdisho, AGGM:Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii shalay ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo magaalada Afgooye, kaas oo ay ku dhinteen 16 qof oo rayid ah, kuwa kale oo badan-na ay ku dhaawacmeen.
Sii hayaha xilka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Lydia Wanyoto Motende ayaa si kulul u cambaareysay weerarka oo ay geysatay Al-Shabaab.
Lydia ayaa u tacsiyeysay qoysaska iyo saaxiibbada dadka dhintay, waxayna caafimaad deg-deg ah u rajeysay dadka ku dhaawacmay weerarka.
Qarax loo adeegsaday gaari Noah ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa burburiyay labo gaari oo bas ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa wada howlgal milateri oo ilaa hadda Al-Shabaab afar magaalo oo ku kala yaalla gobollada Bakool, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose looga qabsaday.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com