Kismaayo, AGGM: Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay maanta barqadii magaaladaasi.
Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka hoostiisa la geliyo waxaana la sheegay in lala bartilmaameedsaday Xarun Maleeshiyada Raaskambooni ku leeyihiin Kismaayo.
Horjooge katirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa sheegaya in qaraxaasi wax khasaaro ah geysan sida uu hadalka u dhigay waxaana uu sheegay kaliya in Baabuur muraayado ka daateen kaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com