Top New+Sawirgacmeed: Xasan Sheekh oo diiday xil ka qaadistii Sambaloolshe iyo KAY oo gartay galay

0

Muqdisho, AGGM: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor yimid xil ka qaadistii golaha wasiirada Soomaaliya ay ku sameeyeen agaasimihii hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka mid ah howlwadeenada xafiiska R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Madaxweynaha iyo Qaar ka mid ah golaha wasiirada oo ay isku dhowyihiin siyaasad ahaan ayaa sheegaya in go’aankaan uu ahaa mid uu watay R/wasaaraha oo lagu deg degay, taasina ay tahay mid aanan la qaadan Karin.

Wararka ayaa sheegaya in haatan madaxtooyada Soomaaliya ay ka socdaan kulamo aanan kala go’ la ahayn kuwaasi oo soo bilowday habeenkii xalay oo ladoonayo in arintaan lagu dajiyo si uusan qilaaf weyn u sii dhalan.

Ilo ku sugan madaxtooyada ayaa sheegaya ilaa iyo intii go’aankaan uu soobaxay inaysan toos isku arkin labada masuul ee ugu saraysa dalka ee Madaxweynaha iyo R/wasaaraha, waxaana dadaalada wax ka wada xubno ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan xukuumada ay maanta ka hadlaan xil ka qaadista Sanbaloolshe oo ay ka so horjeestaan go’aankii shalay soobaxay.

Agaasimihii Hey’adda Nabadsugida Qaranka Sanbaloolshe oo xilkan loo magacaabay labo bil ka hor ayaa lagu tilmaamaa shaqsiyaadka aadka ay isugu dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

CARTOON

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com