Al-shabaab oo Gaadiid gargaar u siday Magaalada Garbahaarey wadada u galay

0

 

Xoogaga Shabaab, ayaa  shalay galabtii  wadada u galay gaadiid gargaar u siday Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, xilli gaadiidkaan ay ka soo amba baxeen Degmada Buurdhuubo, oo qiyaastii 40km u jirta Garbahaarey.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo galbineysay gargaarka, ayaa waxay foodda is dareen mintidiinta Ururka Al Shabaab, iyagoona in muddo ahba ku wada dagaalamaayay deegaanka Washaaqo Baar oo 16km u jirta Buurdhuubo, halka 24km ay u jirto Garbahaarey.

Iska horimaadka wuxuu sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh, iyadoo Shabaabka looga dilay ilaa shan nin, waxay ka carareen meydadka saddex ka mid ah. Ciidamada Dowladda waxaa kaga dhimatay saddex askari, sidoo kale askari Itoobiyaan ah oo ka tirsan Amisom, ayaa dagaalka lagu dilay.

Qaar ka mid ah gaadiidkii ay galbinayeen Ciidamada Huwanta, ayaa waxay rasaastu ka haleeshay taayeerada, waxayna taasi keentay in caawa ay ku hoydaan deegaanka Washaaqo Baar.

Sarkaal diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa allgalgaduud.com u sheegay in caawa ay xaaladu degan tahay, isla-markaana ay Ciidamada Huwanta gaadiidka kula hooyanayaan halkii leesku fara saaray.

Sidoo kale wuxuu inoo sheegay in gaadiidka ku wajahan Garbahaarey, ay qayb ka yihiin gaadiid gargaar sida oo laga soo galbiyay Magaalada Baydhabo, si loo gaarsiiyo dadka Buurdhuubo iyo Garbahaarey ku nool, iyadoona si nabdoon lagu gaarsiiyay dadka reer Buurdhuubo.

Isniinta berito ah, ayaa waxaa lagu wadaa in gargaarka la gaarsiiyo Magaalada Garbahaarey, si loogu qaybiyo bulshada ku nool, xilli ay xaalad go’doon ah geliyeen dagaal-yahanada mayalka adag ee Shabaab.