Wararka iminka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Idaacadii labaad hawada laga saaray saacadihii laso dhaafay.
Idaacada Kulmiye ayaa la sheegay in goordhow hawada laga saaray, waxaana qaarka mid ah shaqaalaha Idaacada ay xaqiijiyay in hawada laga saaray Idaacadaasi.
Labo kamid ah shaqaalaha Idaacada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in Idaacada hawada laga saaray kadib markii amar lagu bixiyay in la damiyo.
Wararka qaara ayaa sheegaya in xeritaanka looga shakisan yahay sii deynta codka afhayeenka Alshabaab.