Dhageyso: Gudoomiye Hareri Xasan Barre “Waa Tallaabo Wanaagsan Dib U Howlgelinta Isbitaalka Degmada Balanballe”.

0

Balanballe, AGGM: Wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaysa ururro maxalli ah ayaa maanta dib u howl-galisey isbitaalka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Balanballe, Hareri Xasan Barre ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay dib u howlgelinta isbitaalka oo xirnaa in ka badan hal sano.

Hareeri ayaa intaas ku daray in la howlgeliyay qeybaha hooyada iyo dhalaanka, qaliinka iyo kuwo kale, ayna ka howlgeli doonaan dhaqaatiir ku takhasusay culuun kala duwan oo caafimaad.

Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey wasaaradda caafimaadka ee dowlada federaalka Soomaaliya oo howl badan ka soo martay dib u howlgelinta cusbitaalka deegaanka Balamballe, xilli ay baahi weyn u qabeen dadka ku nool deegaanka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Balanballe Ayaa waxa uu sheegay in degmadaas lagu doortay cod aqlabiyad leh oo gaaraya 25 xubnood Gudoomiyaha cusub ee Dhalinyarada degmada Balanballe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com