Muqdisho, AGGM: Wasaaradda Batroolka ee Xukuumadda Federalka Somalia ayaa ku eedeysay Shirkadda Shidaalka ee DNO ee laga leeyahay dalka Norway iyo Shirkaddo kale oo yaryar inay deganaansho la’aan ka abuurayaan dalka Somalia.
Shirkadda DNO waxay shidaal ka baarayaan Maamulka Somaliland oo sheegtay inay ka go’een dalka Somalia.
Wasaaraddu waxay tilmaamtay haddii ay Shirkadahaasi joojin waayaan Hawlaha baaritaanka shidaalka ee ay ka wadaan Somaliland inay ashtako rasmi ah u gudbin doonaan Golaha Ammaanka ee QM.
Waxaa kaloo lagu eedeeyey Shirkadda DNO inay Maleeshiyooyin hubeysan ka abuureen Deegaanadaasi oo ay horey colaaddo uga jireen.
Saraakiisha Wasaaradda Batroolka ee Xukuumadda Federalka waxay labadii bilood ee la soo dhaafay la kulmeen Wakiilka ka kala socday Shirkadda Shidaalka ee Exxon Mobil, Conoco Philips, Chevron iyo BP.
Xukuumadda Federalka waxay sheegtay inay doonayaan inay Shirkadaha waa weyn ee Shidaalka in loo qabto waqti ay ku soo laabtaan gudaha dalka Somalia
Guddiga Kormeerayaasha QM waxay bishii July ee la soo dhaafay uga digeen Shirkadaha Shidaalka ee Reer Galbeedka inaysan ka hawlgeli karin deegaannadda Somalia ee ay muranadda ka jiraan, waxayna ka digeen inay colaado kale abuuri karaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com