Muqdisho, AGGM:Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dlabaday shacab in ay taageeraan ciidammada ku jira sidda uu hadalka u dhigay howlgalka.
“Bulshada Soomaaliyeed waxaan u jeedinaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM la dhiiri geliyo oo lala daba taagnaado raashinka iyo biyaha ama haddeey ugu liidato lagu dhiiri geliyo howlgalka ay wadaan” sidaasi waxaa yiri wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Sidoo kale wasiirka ayaa ku amray ciidamada dowladda Soomaaliya iney daryeelaan oo aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka ku nool deegaannada laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab.
“Ciidamada qalabka sidana waxaan leeyahay iney dadka xuquuqdooda ilaaliyaan ayna ogaadaan waxa ay qoraxda u taaganyihiin ay tahay shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna loo baahanyahay in markii meel la xoreeyo iney dadka daryeelaan oo aysan isku qasin nabad diidka iyo shacabka” ayuu yiri wasaarka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Deegaanno badan oo ka tirsan gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka ayaa xilligan waxaa gaaray ciidanka dowladda,waxaana isaga baxay dagaal-yahannada Al-shabaab ee ku sugna.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com