Madaxtooyada Soomaaliya oo qorshe adag laga maleegaayo (XOG)

0
Muqdisho, AGGM: Shabakada Allgalgaduud ayaa heshay xog ku saabsan qorshe laga maleegaayo madaxtooyada Soomaaliya, kaa oo dalka ku wajahan gaar ahaan Muqdisho.

Maalmahaan dambe waxaa madaxtooyada ka dhex socday kulamo aan dhamaan, waxaana looga tashanaayaan qorsheyaal cusub oo DF la timaado.

Wasiirka Amniga Khaliif Axmed Ereg ayaa isku daba ridaaya kulamadaan, maxaa yeelay waxa la doonaayo in diiradda la saaro waa amaanka guud ee dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Xogta aynu helnay waxay sheegaysaa in maalmaha soo aadan arinta ku saabsan hub qaadista ay wejiyo cusub loo sameyn doono, islamarkaana lagu wajahan yahay rag cul culus.

Waxaa sidoo kale la doonayaa in magaalada oo dhan laga sameeyo howlgalo arimahaan iyo amaankaba lagu xaqiijinaayo, iyadoona loo maleenaayo dad badan in xasbsi ay wajihi doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com