Muqdisho, AGGM:Waxaa shalay ka duulay magaalada Gaalkacyo Qaar kamid ah xilibaanadii maamulka Puntland ugu jiray Dawlada Soomaaliya, kuwaas oo dhowaan gaadhay magaalada Garoowe kadib Markii uu u yeedhay Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas.
Xildhibaanadan oo kayimid Garoowe ayaa waxaa ku sagootiyeey Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkcyo ee Cabdulaahi Yuusuf Gudoomiyaha Gobalka mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey,isagoo hadal sagootin ah u jeediyeey Xildhibaanada.
Qaarkamid ah h Xildhibaanadii kadhoofay Gaalkacyo ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan Maamulka Gobalka Mudug sida ay u sogootiyeen, waxayana ka hadleen arimaha uga aadan haatan dawlada Soomaaliya horumarkeeda.
Arintaan ayaa waxay kusoo Beegmaysaa iyadoo Maalintii shalay Madawxaynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas oo Looga yeedhay Dalka Ethiopia, iyadoona Arinta ugu wayn ay ahayd sidii uu ula shaqayn lahaa dawladda dhexe ee Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com