Dhageyso+Sawirro:Ku-simaha R/W iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo booqday Xabsiga dhexe ee Xamar.

0

Muqdisho, Augsut, 23 ,2014—–Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xersi Maxamed, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Warfaafinta iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada Xamar halkaas oo ay ku jiraan boqalaal Maxaabiis ah.

Mudane Ridwaan Xersi Maxamed iyo xubnaha la socday ee golaha Wasiirrada ayaa kormeer ku soo sameeyey qolalka ay ku xiran yihiin maxaabiista iyo goobaha loogu kariyo cuntada, wuxuuna ballan qaaday in ay dowladdu ku dadaalayso sidii dhibaatada xabsiga ka jirta wax looga qaban lahaa.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Xuseen Xasan Cismaan ayaa tilmaamay in ay jiraan dhibaatooyin Xabsiga ku heysta Maxaabiista islamarkaana uu wali dayactir u baahanyahay xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Kormeerka kadib, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay ujeedka kormeerka inuu yahay u kuurgelida xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jira Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

“Maanta waxaa soo booqday xabsiga dhexe xubno ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ujeedka kormeerku wuxuu ahaa in loo kuurgalo xaaladaha amni, dhaqaale, caafimaad iyo maamul ee xabsiga iyo maxaabiista”

“Runtii xaaladda xabsigu uu hadda ku sugan waa mid aad u adag, kormeerka maantana wuxuu kamid yahay qorshaha Xukuumaddu ku doonayso dib-u-habeyn in loogu sameeyo dhammaan Xabsiyada dalka oo dhan” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa tilmaamay in isbadal muuqda lagu samayn doono xabsiga dhexe isla markaana wax laga qaban doono duruufaha adag ee ka muuqda xabsiga iyo Maxaabiista, waxana uu boggaadin u jeediyay ciidamadda Asluubta oo gacanta ku haya maxaabiista.

—DHAMMAAD—

unnamed (5) unnamed (4) unnamed (3) unnamed (2) unnamed (1)

unnamed (6)

unnamed

Ahmed-nuur Mohamed
Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdihsho, Soomaaliya
Tel: +252 6155 02546
Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com