Wasiirka Warfaafinta Dalka Oo Kulan Looga Hadlay Horumarinta Howlaha Wasaaradda La Qaatay Maamuulka Guud Ee Wasaaradda

0

Muqdisho, AGGM: Kulankan ayuu wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya isugu yeeray dhammaan maamulka iyo agaasimeyaasha Waaxyaha ay wasaaraddu ka kooban tahay,  waxa uuna ku saabsanaa isla xisaabtanka Lixdii bilodd ee la soo dhaafay howlaha u qabsoommay wasaaradda Warfaafinta iyo Istaraatiijiyadda ay mustaqbalka dhow hiigsaneyso.

kulanka waxaa daah-furay wasiirka Warfaafinta, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, waxaana sidoo kale kulanka ku sugnaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble,  iyadoo wasiirka agaasimaha guud, iyo agaasimaha qeybta warbaahinta Qaranka, qeybta Shaqalaaha iyo qeybo kale oo ay ka mid tahay Wakaaladda Murtida iyo Madadaallada Qaranka, ku wargaliyey in ay Fikirkooda ku aaddan howsha wasaaradda soo gudbiyaan, iyadoo qeyb walba ay soo bandhigtay Waxqabadka Lixdii Bilodd ee la soo dhaafay, waxaana wasiirka uga mahadceliyey doorka fir-fircoon iyo madax bannaanida  ee uu maamulku u siiyey, taasina ay keentay in wasaaradda horumarka ay sameysay laga dareemay gudaha iyo dibedda.

Axmed Aadan Coosh oo ka mid ah la taliyeyaasha Wasaaradda ayaa sharraxaad ka bixiyey howlaha ay wasaaraddu qabatay Lixdii Bilood ee la soo dhaafay, isagoo tilmaamay in  wasaaraddu ku guuleysatay in ay dejiso Isku xerka xogta dowladda oo ah in dowladda oo idil ay hal cod ku hadasho.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa soo dhaweeyay dadaallada ay maamulka iyo madaxdu iska kaashadeen isagoo xusay in tallooyinka ay Wasaaraddu siinayeen la taliyeyaasha ay mira dhal ahaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo kulanka  isla xisaabtanka ah soo xeray, ayaa kula dardaarmay dhammaan madaxda qeybaha iyo maamulka wasaaradda in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta Kalsoonida ku dhisan ee hadda ka dhaxeysa, waxa uu intaa raaciyey in xoogga la soo saaro in Bulshada dadka ugu liita si gaar ah loo caawiyo.

sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa uga mahadceliyey dhammaan howl-wadeennada wasaaradda, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in  lala shaqeeyo hey’adaha amniga dalka, wasaaradduna ay ku dadaali doonto sidii ay u xoojin lahayd waxqabadkeeda horumarinta dalka ku aaddan.

Kulanka isla xisaabtanka ahaa ee uu wasiirka Warfaafinta la yeeshay maamulka guud ee wasaaradda, ayaa lagu soo gabagabeynayey kulamo isdaba joog ahaa oo ka horreeyey kulankani, si loo qiimeeyo waxqabadka Lixda bilood ee wasaaradda, isla markaana loo dejiyo waxqabadka bilaha soo socda,  taas  ayaana muujineysa sida dardarka leh ee ay u socoto howsha wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmil.com