New York, AGGM: Seynisyahano ka soo jeeda Jaamacada Colombia ee Xarunteedu tahay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa waxay si cad usheegen unugyada burburinaya foolisada timaha dhaliya waxaa loogu yeera unugyada difaaca ee T cell.
Seynisyahanada Jaamacada Colombia ayaa tijaabiyay dhowr daawa ah oo la yaqaano si ay u joojiso ficilka ay unugyadani ku yeeshaan Dooliyada.
Dawooyinkani waxay keeneen in ay tinta dib u soo korto.
Baarayaasha ayaa markaa waxay ku tijaabiyeen daawoyinkani ee loo yaqaano Ruxolitinib Saddex nin oo markaa ku sugnaa Xaalada Bidaarta.
Waxaa la siiyay kaniin si ay u qaataan Laba mar maalintiiba inta u dhexeysa 4 ilaa iyo 5 bilood iyagoona raggaasi ay dib u heleen madax timo ka buuxdo sida lagu sheegay Daraasadani ay daabacday Jariirada Dailmail ee kasoo baxda Dalka Ingiriiska.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com