Dhageyso:Afhayeenka Odayaasha Hawiye Xaad” Weerarka Lagu Qaaday Siyaasiyiin Waa Arrin Qaldan”

0

Muqdisho AGGM) Nabadoon Maxamed Xasan Xaad afhayeenka Odayaasha Hawiye ayaa ka hadlay Dagaalka lagu qaaday guryo ay leeyihiin siyaasiyiin reer Muqdisho ah.

AMISOM iyo ciidamada nabad sugida Soomaaliyaa ayaa waxa ay weerareen guryo ay deganaayeen Axmed Daaci, Cumar Finish, C/qaadir Cosoble, C/llahi Sheekh Xassan oo dhamaan ku yaalla magaalada Muqdisho.

‘’Waa wax laga xumaado in dad shacab ah ay AMISOM u adeegsato Hubka culculus, waxaana Mas’uuliyadeeda qaadeysa DF maadama dadka la wada weeraray ay yihiin kuwa hal dhinac kasoo wada jeeda oo ah beesha Hawiye, haddii xaalka sidan kusii socdo Muqdisho dagaal sokeeye ayay qarka u saaran tahay’’ ayuu yiri Xaad.

Nabadoon Xaad ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo weeraradaas, wuxuuna ka digay in dagaalada noocaasi la joojiyo.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Nabadoon Xaad

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com