Muqdisho(AGGM) Kulan ballaaran ayaa waxaa maanta magaalada Muqdishu ee caasimada Soomaaliya ku yeeshay odayaal, waxgarad, xildhibaano, haween, aqoonyahano, dhalinyaro iyo qeybaha bulshada Beesha SADE.
Kulankaas waxaa gabi ahaanba lagu qaadacay shirk u sheega uu soo dhoodhoobay raisul wasaaraha dalka Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, kaasoo ay beeshu sheegtay in aysan go’aan u gaari Karin cid kale.
Ugaas Ciise Ugaas Cabdule ayaa sheegay in markii ay la tashadeen bulshada SADE ay u arkeen in shirkaas aysan wax dan ah ugu jirin beelweynta SADE Daarood.
Xildhibaan Nuur Faarax oo isna shirkaas ka hadlay ayaa fariin u diray dadka howshaas gacanta ku haya, isagoo u sheegay inaan dhagax la Karin Karin sidaas darteedna aysan beesha SADE diyaar u ahayn gacmo qabashada kooxda shirkaas qabanqaabinaysa.
Halkaan ka daawo kulanka ay beesha SADE Muqdisho ku yeelatay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com