Minneapolis, AGGM: Wasiirka Wasaarda Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa isagoo ku sugan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxa uu shir kula yeeshay beeshiisa, waxa uuna shirkaas ku sheegay in beeshiisa Siyaasada Dibedda ee Jubooyinka looga adkaaday.
Xuseen Cabdi Xalane ayaa waxa uu sheegay in laba arrimood awgood uu sabab uga dhigayo guuldaradaas uu sheegay.
“Waxaan qornay warqad u fasaxeysa ciidamada AMISOM in ay weeraraan ciidamada Goobweyn ku sugan ee uu hogaamiyo Col. Bare Hirraale, inagoo kaa shanay Islamarkaana ka saxiixnay Warqadahaas R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Danjiraha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey, Waxaa si cad nooga diiday UN-ka, Mareykanka iyo beesha Caalamka qorshahaasna waa uu fashilmay.”
Dhacdadaas ayuu Wasiirka waxa uu ku tilmaamay in laga garan karo in looga dheereeyay UN-ka, Mareykanka iyo beesha Caalamka, taas ay dhabarjab ku tahay beeshiisa.
“Waxaan wadnaa baaritaan xogta aan heynana waxay sheegaysaa in Siyaasiyiin ku hayb ah Col. Bare Hiiraale ay ka shaqeeyeen in UN-ka iyo Mareykanka diidaan in la wareero ciidamada Goobweyn” Waana soo heleynaa magacyadooda ayuu yiri wasiirka.
Wasiir Xuseen Cabdi Xalane ayaa waxa uu usoo bandhigay Beeshiisa qorshaha cusub ee ay doonayaan iminka sidii ayku fashilin lahaayeen shirka Dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ee dhacaya 21/09/2014, waxa uuna yiri.
“Waxaan qorsheenaynaa oo xoogana saaraynaa oo aad iyo aad muhiim ah in Shirka horta uu u dhaco sidaan anaga rabno, waxaan kaloo qorsheenay in shirkan ay laba arrimood kasoo baxaan si aan u gaarno guul waarta”.
1-In aan qabano Shirka si beesha Caalamka indhahooda nooga sii jeestaan islamarkaan aad ugu qancaan qaabka shirka uu u dhacay iyo Natiijada kasoo baxda.
2-In xooga saarno in waxa Shirka kasoo baxa ay noqdaan waxaysan garabka naga soo horjeeda ee uu hogaaminayo Col. Bare Hiiraale ku qancin oo ay diidaan si iyaga iyo beesha Caalamka aanu isaga horkeeno unna helno wado aan ugu adeegsan karno ciidamada AMISOM si ay u weeraraan haddii ay diidaan waxa kasoo baxa shirkaas.
Wasiirka Xalane ayaa waxa uu sheegay haddii labadan qodob beeshiisa isla hesho ay tahay mid u horseedi karta guul ay ka gaaraan arrimaha Jubbooyinka, waxuuna sheegay inay xooga saarayaan arrimahaas oo dhan siday u shaqeen lahaayeen.
Isku soo wada duuboo waxaa su’aal isweeydiin mudan ah Xuseen Cabdi Xalane ma Wasiir Dowladdeedbaa mise waa Wasiir Beeleed? Haddiise Wasiirki sidaan u dhaqamayo Maxaa Damiirka ka qaaday oo u diiday in R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu isaguna sida Wasiirkiisa u dhaqmayo u dhaqmo ileen meesha Dal iyo Dad loo nixi maayee?
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com