Dhageyso+Daawo: Shirkadii Loo Xilsaaray Soo Celinta Hantidii Soomaaliya Shulman Rogers Oo Beenisay Inay Lunsatay Hanti Somaliyeed

0

Washington (AGGM) Shirkada laga leeyahay Mareykan ee Shulman Rogers oo horey qandaraas loogu siiyey inay dib u soo dhiciso hantidii umada Soomaaliyeed ayaa beeniyey eedeemaha loo soo jeediyay.

Kooxda qaramada midoobe uqaabilsan xayiraada xaga hubka ah ee saaran Somalia iyo Eretria ayaa dhawaan ku eedeesay madaxweynaha Somalia iyo wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yusuf Sheikh Adan iyo shirkada mareykanka ee Shulman Rogers ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qandaraasyo lacago lagu lunsaday.

Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud ,iyo Wasiirkii hore ee arimaha dibada Fowziyo Yusuf sheikh Adan ayaa waxaa ay iska diideen eedeymala loo soo jeediyey.

Halkaan Ka Dhageyso shirkada Shulman Rogers oo beenisay eedaha loo jeediyey


 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com