Caabudwaaq (AGGM) Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa ka horyimid habka loo maray dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, isagoo sheegay in loo maray hab aysan bulshada deegaanada waqooyiga Galgaduud aysan ku qanacsanayn.
Xildhibaan Baadiye ayaa sheegay in odayaasha deegaanadaas aysan ku qanacsanayn oo ay sidaas darteed la mowqif yihiin dadkooda.
Xafiiska ra’iisal Wasaaraha Somaaliya ayaa barnaamijka maamul u samaynta gobolada dhexe hormuudka ah, kaasoo ay xulufo dhaw ahaayeen xildhibaan Baadiye.
Xildhibaanka ayaa sheegay in haddii bulshada lala tashado ay macquul ahayn lahayd in dadka ay fahmaan qorshaha maamulkaas balse aysan taasi dhicin nasiib daro.
Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac ayaa yiri”Wax la aqbali karo maaha in dadka deegaanka aan lagala tashan Maamul la sheegay in loo dhisi doono, haddee wax aan dadkii loo bandhigin, sidee baa loogu soo dhigi karaa”
Odayaasha dhaqanka gobolada dhexe wali lagama tashan heshiiskaas balse waxaa ilaa hadda ku lug leh siyaasiyiin ka socda dhinacyada goboladaas maamula hadda.
Halkaan Ka Dhageyso Xildhibaan Nuur Faarax
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com