Dhageyso: Alshabaab Oo Baardheere Ku Xirxirtay Rag Ka Tirsan Firqada Tagfiir

0

Baardheere(AGGM) Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidama ka tirsan Kooxda Alshabaab ay halkaas ku xir xiren rag ka tirsan firqada Tagfiir oo ah koox mayal adag oo ka jirta qeybo kamid ah Soomaaliya.

Ku dhawaad 10 qof oo kamid ah Tagfiir ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga magaaalada Baardheere sida ay noo sheegeen goobjoogayaal.

Alshabaab ayaa sidoo kale waxa ay albaabada u laabeen ilaa 3 Masjid oo ay maamuli jireen kooxda Tagfiir.

Saraakiisha Shabaab ma sharaxin sababta ka dambeysa in raggaas la xirxiro balse wararka ayaa noo xaqiijinaya in Alshabaab ay raggaas u xirxireen kaddib markii ay ka diideen inay kala qeybqaataan dagaalka Jihaadka ah ee ay Alshabaab sheegato inay ka wado Soomaaliya.

Tagfiir waa koox mayal adag oo umada Muslimiinta ah gaalaysiisa, taasoo xitaa la aaminsanyahay inay ka sii fogtahay Alshabaab.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com