Dhageyso: Laba Wiil Oo Dhaliyaro Ah Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM: Kooxo hubeysan ayaa waxay xalay ku dileen Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho Labo qof oo gaari lagu geeyey xaafadaasi kadibna lagu dilay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka goob joogna u ahaa markii uu falku dhacayey ayaa sheegaya in Gaari nuuca Kaaribta loo yaqaano ay kooxo hubeysan labadaasi wiil ku keeneen iyagoo garbaha ka jabiyey kadibna rasaas ku furay goobtana ku dhintay.

Meydka labada wiil ee la dilay lagama aqoonsan Xaafada Suuqa Xoolaha iyadoo welina ay yaallaan goobtii lagu dilay.

Ilaa hadda lama aqoonsan kooxda Labadaasi wiil ku dishay Xaafada Suuqa Xoolaha waxaana da’ ahaan lagu khiyaasay labada qof ee la dilay 20 sano jir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com