Dhageyso: Generaal Gabre Oo Ka Qeybgalay Qorshe Loo Dejiyey Alshabaabka Gedo ,Baay Iyo Bakool

0

Baydhabo (AGGM) Taliyaha Amisom ee saddexda gobol Gedo, Baay iyo Bakool General Gabre Madhine ayaa sheegay in howlgalada nabadgeylada lagu xoojinayo loo baahanyahay in dadku ka wadaqeybqaataan. Wuxuu hadalkaas ka sheegay kulan ka dhacay Baydhabo.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan taliyaha qeybta Booliska gobolka Bay ayaa faahfaahiyey howlgalada isagoo sheegay in wadashaqeyn loo baahanyahay si looga guulaysto Alshabaabka ku dhuumalaysanaya miyiga iyo dhulka beeraha ah.

Alshabaab ayaa lagu balamay in laga sifeeyo dhulka baadiyaha ah si amaan buuxa loo helo.

Ugu horey waxaa hadlaya General Gabre Madhine, 2 waa Isaaq Afloow oo maamulka Baydhabo ka tirsan, 3 waa Mahad Cabdiraxmaan Aadan taliyaha qeybta Booliska gobolka Bay.

Halkaan ka dhageyso hadaladooda

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com