Iyadoo maanta weerar qorsheysan magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa war ka soo baxay Alshabaab waxaa lagu sheegay in masuuliyadda weerarkaasi ay iyaga ay ka dambeeyeen.
Sarkaal u hadlay kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankooda gaarka ah ay magaalada Muqdisho ku khaarijiyeen Xildhibaanad Saad Cali Warsame.
Waxaa sidoo kale sarkaalkaasi uu sheegay in ay ku guuleysteen weerarka oo ay fuliyeen isla markaana meesha ay tahay magaalada bartamaheeda.
Waxaa dhanka kale, sarkaalkani wuxuu xaqiijiyay in ciidamadooda ay joogaan magaalada Muqdisho oo ay ka howlgalaan.