Dowladda Maraykanka oo Cambaareeysey Dilkii loo geeystey Xildhibaan Saado Cali Warsame

0

July 23, 2014 Dowladda Maraykanka ayaa si kulul u cambaaraysay dilkii loo geeystey Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta magaalada Muqdisho lagu dilay, iyagoo tacsi u diray qoyskii iyo eheladeedii ay ka baxday.

War-saxaafadeed ay laga soo saaray xafiiska Saraafada Maraykanka ee dalka Kenya ayaa lagu yiri: “Dilkani wuxuu tusayaa dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayso Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, iyo xurmo darada ay u haayaan  nabadda, caddaalada iyo naxariista ay dhamaan Soomaalidu  meel walba ay joogaan ay xusayaan bisha barakaysan ee Ramadaan”.

“Saado waxay ahayd fanaanad caan ah iyo weliba Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale Saado waxay tusaale fiican u ahayd hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dilkani waa mid aad u saamaynaya dhamaan Soomaalida ku nool wadanka gudihiisa iyo dibadaba.” Ayaa lagu xusay War-saxaafadeedka

Dowladda Maraykanku waxay marwalba garab taagantahay dadka Soomaaliyeed, Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyo Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Waxaana si dhow ula shaqayn doonaa hogaamiyeyaasha siyaasada iyo amniga Soomaaliyeed si loo sii wado la dagaalanka Al-Shabaab.