Luuq, AGGM:Maamulka dowladda ee degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa dib u dhis iyo dayac tir ku samaynaya goobo muhiim ah oo ka tirsan degmada.
Madaxa mashaariicda ee degmada Luuq, Bishaar Aadan Cabdikariim ayaa u sheegay Warbaahintain hawlaha lugu hayo gacanta ay ka mid yihiin: Dib u dhiska xafiisyada degmada, waddada magaalada ku xirta garoonka diyaaradaha, suuqa xoolaha, bur-burinta dhimeyaasha sharci darrada ah iyo kuwo kale.
Bishaar wuxuu ku daray intaas in ay sii wadayaan dib u habaynta ay ku samaynayaa goobaha adeegyada bulshada iyo soo celinta bilicda magaalada.
Wuxuu ka codsaday dadweynaha degmada in ay ka qayb qaataan dadaallada horumarineed ee ka socda degmada.
Bishaar Aadan ayaa xusay in dhaqaalaha lagu fulinayo mashaariicda ay iska kaashadeen maamulka iyo dadweynaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com