Top News: Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Ban Ki-moon oo booqanaya Bariga Dhexe.

0

Muqdisho, AGGM: Ban Ki-moon Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa maanta oo sabti ah booqanaya Bariga Dhexe.

Booqashadiisa ayaa waxa xaqiijiyey gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Isra”iil ay duulaan dhulka ah ka wado marinka Qaza.

Qaramada midoobe ayaa sheegaysa in Ban Ki-moon uu u muujin doono Israa’iliyiinta iyo Falastiniyiinta in Qaramada midoobay ay garab taagan tahay.

Hasayeeshe lama filayo in uu booqdo marinka Qaza.

Waxa jira walaac ku saabsan xaaladda ay ku suganyihiin dadka ka barakacay marinka Qaza ay ka dib duqeynta Israa’iil ay halkaasi la beegsanayso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com