Top News:Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf “Madaxweyne Xasan Sheekh Waxa Uu Ku Tuntay Xeerki Dalka U Yaalay”.

0

Muqdisho, AGGM:Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu ku tuntay xeerka dalka.

Mudane Cabdi Barre Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in ay ahayd mid aan sharciga waafaqsaneen Waraaq Madaxweynuhu u gudbiyay qaramada Midoobay ee uu ku sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in ay kala hadasho cid kasta xadeynta Biyaha Soomaaliya.

“ Madaxweyne iska daa Baarlamaanka ayaan ka hadli Karin xadeynta Biyaha Soomaaliya , waana tallaabo qaldan oo uu Madaxweynuhu qaaday” ayuu yiri Xildhibaanku.

Dhawaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu Waraaq uu ku cadeynayo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in wada hadal ay ka gasho Biyaha Soomaaliya u gudbiyay qaramada Midoobay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com